Wararka ka imaanaya dalka Hindiya ayaa tilmaamaya in dhul go’ ka dhacay deegaanno dhaca koonfurta dalkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen boqollaal ruux.
Dhul go’a ayaa ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Kerala ee koonfurta wadanka Hindiya, waxaana goobta gaaray shaqaalaha gurmadka deg-dega ah, oo wada isku dayo la xiriira iney dadka u gurmadaan.
Inta haatan la ogyahay, waxaa dhul go’aas ku dhintay kudhawaad 50 ruux, halka ay weli go’doonsanyihiin boqollaal qof oo ku go’doonsan deegaananda uu dhul go’a ka dhacay.
Maamulka gobolka Kerala oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 70 ruux ay dhaawacyo qabaan, waxaana jira meydadka qaar oo ay biyuhu ku gureen webi mara mandiqadda.
Mid kamid ah caqabadaha ku horgudban gurmadka loo sameyn lahaa dadka go’doonsan ayaa ah iyadoo ay burburtay buundo loo maro gobolka, taasoo ay saameysay roobabka ka jira mandiqadda.
Ciidamada milliteriga wadanka Hindiya ayaa ka qeyb qaadanaya gurmadka, waxaana ay mandiqadda u direen ugu yaraan labo helicopter, si loogu soo daad gureeyo dadka ku xaniban goobta.
Ra’iisul wasaaraha wadanka Hindiya Narinda Muudi oo qoraal soo dhigay barta X ayaa sheegay in xukuumadiisu ka go’antahay in wax weliba oo taageero ah ay la garab istaagan is maamulka Kerela.
Roobab xoogan oo mahiigaan ah ayaa ka da’aya qeybo kamid ah wadanka Hindiya, waxaana roobabka xoogan ay sababeen in dhul go’ ka dhacaan deegaanno katirsan wadanka Hindiya, iyadoo weli ay jirto cabsi la xiriirta in dhul go’ horleh ka dhaco.
Masaa’ibta rabaaniga ah ayaa xilliyadan kusoo badanyaa qeybo kamid ah caalamka, culimada diinta Islaamka ayaana tilmaamaya iney masaa’ibtaas yihiin waxay Aadanuhu gacmahooda ku kasbadeen, ayna yihiin fariimo ka imaanaya xaga Allaah, oo dadka ku dhiirogelineysa iney u hogaansamaan awaamiirta Rabaaniga ah.