HomeAll newsBulshada Degmada Xamar-Jajab oo Cabasho Ka ah Maamulka Gobolka Banaadir.

Bulshada Degmada Xamar-Jajab oo Cabasho Ka ah Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa isa soo taraya dadka dhaleeceynta ujeedinaya gudoomiyaha gobalka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), kaas oo lagu eedeynayo wax qabad la’aan.

Bulshada ku dhaqan degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen, in bilooyin kahor laga qaaday lacago badan, saasoo ay tahayna aan illaa iyo iminka wax loogu qaban.

Waxay tibaaxeen in qofkiiba laga qaaday lacag 800$ oo la sheegay in lagu hagaajinayo wadada oo ay biyuhu jareen, balse aysan arag waxqabad ku aaddan lacagtii laga aruuriyay.

Maamulka gobolka Banaadir iyo guud ahaan Dowladda Federaalka, ayaa lacago xaddhaaf ah ka qaada qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo wata magaca canshuurta, taas bedelkeed majirto adeegyo muhiim ah oo ay helaan shacabka.

Halkan ka dhagayso Cabashada dadka ku nool degmada Xamar-Jajab.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular