Dadka ku nool deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa xirtay qaar kamida ah wadooyinka xaafadaha, iyagoo ku goodiyay dagaal ka dhan ah Dowladda Federaalka.
Dadkan oo careysan ayaa kasoo horjeeda tallaabadii dhawaan looga burburiyay guryo ay degnaayeen oo ku yaala qeybo kamid ah xaafadaha Ceelasha Biyaha.
Tan iyo markii Xasan Sheekh Maxmuud loo doortay madaxweynaha Dowladda Federaalka, waxaa sii xoogeystay boobka dhulka iyo u awood sheegashada dadka shacabka ah, waxaana dadku ku doodayaan in Dowladdu hay’ado iyo shakhsiyaad ay ka iibsaneyso dhulka ay dadka ka barakiciso.
Halkan ka dhagayso Warka Bulshada Deegaanka Ceelaassha Biyaha.