HomeAll newsCali Guudlaawe Oo Laga Hor Istaagay Inuu Tago Deegaan Katirsan Hiiraan.

Cali Guudlaawe Oo Laga Hor Istaagay Inuu Tago Deegaan Katirsan Hiiraan.

Cali Guudlaawe Xuseyn oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Hir-shabeelle, oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku marayay degaano katirsan Hiiraan iyo Sh/dhexe, xilliganna la sheegay iinuu ku sugan yahay degaanka Moqokori, ayaa maanta qorsheynayay inuu tago tuulada Tardo oo katirsan gobolka Hiiraan, hase ahaatee waa laga hor istaagay.

Wararka ka imaanaya gobolkaasi ayaa sheegaya, in ciidamo katirsan mooryaanta Macaawisleyda ay Cali Guudlaawe ka hor joogsadeen, inuu tago Tardo, waxaana la sheegaya iney diidan yihiin inuu xariga ka jaro, iskuul dhawaan halkaasi laga dhisay.

Waxay si cad usheegeen horjoogayaasha Macaawisleydu, iney la dagaalamidoonaan Cali Guudlaawe iyo ciidankiisa, haddii ay isku dayaan iney soo galaan tuulada Tardo.

Ciidamo katirsan kuwa macaawisleyda ee ku sugan degaanka, ayey wararku tilmaamayaan in lagu arkayo wadooyinka soo gala tuulada, kuwaasoo la sheegay iney halkaasi u joogaan, iney Cali Guudlaawe is hor-istaag ku sameeyaan.

Maalmo ka hor sidan oo kale Hogaamiyaha maamulka Hir-shabeelle, ayaa loo diiday in uu tago degmada Maxaas, iyadoo sidan oo kale ay dagaal ugu hajabeen, ciidamo taabacsan maamulka la baxay Hiiraan State, ee kasoo horjeeda maamulka fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Dhagayso Guudlaawe oo laga hor istaagay safar uu ku tagi lahaa qeybo kamid ah Hiiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular