HomeAll newsCiidamada Dowladda Federaalka Oo Dad Shacab ah Ku Laayay Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Dad Shacab ah Ku Laayay Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa tilmaamaya in ciidamada Dowladda Federaalka ee uu Turkigu tababaray ay xasuuq u geysteen dad shacab ah oo u badan caruur iyo haween.

Madaafiic ay ciidamada Gorgor ku garaaceen tuulada Balow oo hoostagta deegaanka Bariire ee u dhexeeya Afgooye iyo Awdheegle ayaa dhalisay dhimashada 5 ruux oo u badan caruur iyo haween iyo dhaawaca 10 kale.

Dadka dhaawacyada qaba ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dabiibayo, waxaana dhaawacyada qaar laga deyrinayaa xaaladooda caafimaad.

Horay wuxuu deegaanka Bariire u marti geliyay xasuuqyo arxan darro ah oo ay geysteen ciidamada Maraykanka iyo kuwa DANAB ee ay xukuumadda Washington tababartay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular