HomeAll newsCiidamada Dowladda Federaalka oo Isbaarooyin Dhigtay Qeybo Kamid ah Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo Isbaarooyin Dhigtay Qeybo Kamid ah Shabeellaha Dhexe.

Gaadiidleyda isaga kala gudba deegaannada iyo degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe, ama kuwa uga sii gudba gobollo kale, ayaa ka cabanaya dhac iyo isbaarooyin ay geysanayaan ciidamada Dowladda Federaalka.

Darawallada gaadiidka ayaa sheegay iney la kulmayaan culeesyo ballaaran, ayna soo bateen isbaarooyinka iyo sidoo kale dhaca ay geysanayaan ciidamada Dowladda Federaalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa dhaqan waxaa u ah iney dhibaateeyaan qeybaha kala duwan ee bulshada, isbaarooyinka lagu dhaco dadka ama lacagaha looga qaato ayaana ka jira dhamaan deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan wadanka.

Halkan ka dhagayso Cabashada Gaadiidleyda.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular