Wasaaradda arimaha gudaha dalka Faransiiska ayaa baahisay iney gacanta ku dhigtay nin kasoo jeeda dalka Ruushka, kaasoo qorsheynayay inuu Faransiiska ka fuliyo weeraro ka dhan ah ciyaaraha Olombikada.
Ciidamo katirsan booliiska ayaa gudaha u galay guriga uu ninkan ka deganaa wadanka Faransiiska, waxayna sheegeen iney kasoo heleen cadeymo muujinaya waxa uu qorsheynayay ee la xiriira weeraro ka dhaca gudaha Faransiiska.
Eedaha ugu weyn ee ninkan loo soo jeediyay ayaa ah inuu jiho ajanbi ah xiriir la la lahaa, kalana shaqeynayay sidii uu dalka Faransiiska uga fulin lahaa weeraro qalqal geliya amniga wadanka.