Aabe waayeel ah oo naafo ah ayaa ka hadlay fal tacaddi ah oo magaalada Baydhabo loogu geystay wiil uu isagu dhalay oo dhimirka la’.
Wuxuu sheegay in ciidamo katirsan maamulka la magac baxay Koonfur galbeed ay qabteen wiilkiisa oo ka ambaday xaafadda, una geysteen tacdiib iyo jirdil xoogan, saacado kadibna soo fasaxeen isagoo qaawan.
Aabahan dhibanaha ah ayaa tilmaamay in wiilkiisa eed aanu lahayn dhabarka loo saaray, taasoo ah inuu yahay xubin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Halkan ka dhagayso Maamulka Koonfur galbeed oo jirdilay qof dhimirka la’