Shacabka ku nool xerada Suudaanta oo ah dhul ballaaran oo ku yaalla magaalada Hargeysa islamarkaana ay dagan yihiin ciidamada maamulka la baxay Somaliland, ayaa lasoo warinayaa in halkaasi ay ka wadaan dhul ballaarsi.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isa soo tarayay, qoysaska dhulalka lu leh aaggaasi ee ka cabanaya in dhulkooda lagu soo siqay islamarkaana la boobayo.
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa ee ka cabanaya dhul boobka ay kala kulmayaan maamulka la baxay Somaliland ayaa si adag uga hadlay arrinkaas, iyagoona ku hanjabay in haddii aan laga joogin ay dagaal gali doonaan.
Saddex maalmood kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale ay saxaafadda uga soo muuqdeen qoys iyagana ka cabanaya, in dhulkooda oo isla aaggaan ku yaalla uu boobayo maamulka la baxay Soomaliland.
Halkan ka dhagayso Cabashada dadka ku nool magaalada Hargeysa.