Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ciidankeedu la wareegeen labo magaalo oo muhiim ah oo katirsan wadanka Ukraine, taasoo qeyb ka ah taqadumka sida tartiib tartiibta ah ku socda ee ay ka wadaan wadankaas.
Magaalooyinka kala ah Baro-geris iyo Yaf-Giini-fika ee dhaca bariga gobolka Donisk, ayay sheegtay wasaaradda dagaalka ee Ruushka iney ciidamadeedu la wareegeen.
Faladamir Zalansky oo ah madaxweynaha Ukraine, wuxuu dhankiisu qirtay in ciidamadiisa ka dagaallamaya mandiqadda ay Ruushku sheegeen iney la wareegeen, ay la kulmayaan cadaadis xoogan.
Kalimadiisa maalin weliba oo galab ah u jeediyo shacabka Ukraine, ugana warbixiyo xaaladda ka jirta furimaha dagaalka, ayuu Zalanksy ku qirtay culeesyada ay wajahayaan ciidamadiisa.