HomeAll newsCiidamo Daacad u ah Maraykanka Oo Lagu Weeraray Duleedka Kismaayo.

Ciidamo Daacad u ah Maraykanka Oo Lagu Weeraray Duleedka Kismaayo.

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose, ayaa ku waramaya in qarax xoogan lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa loogu yeero DANAB ee daacadda u ah dowladda Maraykanka.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana la xaqiijiyay iney ku dhinteen 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Gaariga Cabdi-bilaha ee qaraxa lagu beegsaday ayaa gebi ahaanba basbeeley, waxaana masuuliyadda weerarka sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhinac kale, duqeymo xoogan ayaa lagu garaacay saldhiga ciidamada maamulka la baxay Jubbaland ee deegaanka Buulo-Gaduud, ugu yaraan 5 askari ayaana la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular