HomeAll newsCiidamo Katirsan DF oo Qof Shacab ah ku Dilay Magaalada Baladweyne.

Ciidamo Katirsan DF oo Qof Shacab ah ku Dilay Magaalada Baladweyne.

Galinkii dambe ee maalinti shalay ciidamo katirsan dowladda fedaraalka ayaa ruux shacab ah ku dilay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxa uuna si gaar ah kaga dhacay xaafadda Howl-wadaag ee katirsan magaaladaas.

Waxaa dilka geystay ciidamo ay dhawaan dowladda fedaraalka geysay magaalada Baladweyne, arrinkaas oo ay si’daad ah uga caroodeen dadka degaanka.

Dilka ayaa yimid kadib markii ay wadadu saxmad noqotay, sidaas darteedna ay askartu rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa goobta.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay magaalada Baladweyne ka taagneyd xaalad amni darro ah oo aad udaran, taas oo sababtay ineysan dadku guryahooda kasoo bixin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular