Askartaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 4 askari, ayaa lagu soo bandhigay degaanka Baqdaad ee katirsan gobalka Jubada hoose.
Sedax kamid ah askartan ayaa iyagoo hubkooda wata waxay ka yimaadeen, saldhig ay ciidanka Dawladda Fedaraalka ku leeyihiin degaanka Buulo Xaaji, halka 1 midka kalena uu ka yimid, askarta Dawladda Fedaraalka ee ku sugan degaanka Birta-dheer.
Waxay ka sheekeeyeen habdhaqanka ciidan ay kasoo tageen iyo sida loosoo dhaweeyay.
Degaanka Buulo-xaaji ayaa kamid ah, degaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo oo dhawaan marti galiyay weeraro culus oo cagmarin ah, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 70 askari oo isugu jira maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda fedaraalka.
Halkaan ka Dhageyso Faahfaahinta Askarta Isa Soo Dhiibtay