HomeAll newsCillad Ku Dhacday Shirkadda CrowdStrike Oo Saameysay Shaqooyinka Caalamka.

Cillad Ku Dhacday Shirkadda CrowdStrike Oo Saameysay Shaqooyinka Caalamka.

Maanta oo Jimco ah, waxaa wadamo dhaca caalamka gaar ahaan kuwa reer galbeedka laga soo warinayaa iney cillad haleeshay qalabka shaqada ee shirkadda CrowdStrike, oo ah shirkad ka shaqeysa amniga Internetka, uu saameyn ku yeeshey shaqooyin badan oo caalamka ka socday.

Shaqooyinka ay saameysay cilladan ayaa isuga jira howlihii isbitaallada, garoomada diyaaradaha, gaadiidka tareennada iyo shaqooyin kale, waxaana saameynta laga dareemay inbadan oo kamid ah caalamka.

Dalalka laga dareemay cilladan qabsatay shirkadda CrowdStrike ee amniga Internetka, waxaa kamid ah Maraykanka, Jarmalka, Ingiriiska, Turkiga, Netherlands iyo kuwa kale.

Garoomo badan oo caalamka ku yaala ayaa joojiyay duulimaadyadii ay sameynayeen, isbitaallada iyo gaadiidka tareennada ayaa iyaguna hakad ku yimid, maadaama ay shaqeyn waayeen qalabkii computerada ee ay xarumahani ku shaqeynayeen.

Shirkada Microsoft oo ah shirkadda ugu caansan ee soo saarta computerada iyo softwarada ay ku shaqeeyaan, ayaa dhankeeda war ay soo saartay waxay ku sheegtay iney la tacaaleyso cillado farsamo oo heysta qalabyada ay soo saarto.

Illaa iyo hadda lama oga waxa rasmiga ah ee dhaliyay cilladan laga dareemay dunida, mana jiro war rasmi ah oo la xiriira oo kasoo baxay shirkadda CrowdStrike.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular