Dab khasaare geystay ayaa ka kacay qeybo kamid ah xaafadda Taleex, degmada Hodan ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabka uu waxyeello gaarsiiyay guryo, dukaaman iyo goobo ganacsi, oo ay ku basbeeleen hanti badan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dabka uu ku dhintay canug yar, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Waxaa marar badan soo noq-noqda dabka ka kaca xarumaha ganacsi ee ku yaala gobollada kala duwan ee Soomaaliya, lamana sababta rasmiga ah ee ka dambeysa, waxaana jira tuhun la muujinayo oo la xiriira in dhinacyo Shisheeye ay ku lug leeyihiin, laguna doonayo in lagu ciirteeyo umadda Soomaaliyeed.