Wararka ka imaanaya imaanaya gobalka Galgaduud ee bartmaha Soomaaliya ayaa ku warmaya, in galinkii dambe ee maanta uu halkaas ka dhacay dagaal beeleed khasaare dhaliyay.
Dagaalka oo udhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay, degaanka lagu magacaabo Laan-buraale oo katirsan gobalka Galgaduud, islamarkaana udhaw xuduud beenaadka ay wadaagaan gobalka iyo dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Xabashida Itoobiya.
Ugu yaraan 2 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dagaalkaan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan sida ay soo tabisay warbaahinta.
Waxaa adag in la helo xogo rasmi ah oo ku aaddan khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalka, maadaama ay isgaarsiintu ku yar tahay halkaas.
Maleeshiyaadka dagaallamay ayaa waxaa horay uga dhexeysay xurguf, iyagoona marar badan kuwada dagaallamay degaannada ku yaalla aagga uu hadda dagaalku ka dhacay.
Gobalka Galgaduud ayaa waxaa had iyo jeer ka dhaca dagaallada salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana dowladda fedaraalka iyo maamulka la baxay Galmudug ee gaobalkaasi ka arrimiya lagu eedeeyaa iney iyagu hurinayaan dagaal beeleedyada.