HomeAll newsDagaallo Culus Oo Ka Dhacay Meel 55Km U jirta Adis Ababa.

Dagaallo Culus Oo Ka Dhacay Meel 55Km U jirta Adis Ababa.

Warbaahinta dalka Itoobiya gaar ahaan kuwa dibad jooga ah ee wararkooda la isku halleyn karo ayaa tilmaamaya in dagaallo culus ay dhexmarayaan ciidamada Itoobiya iyo jabhadda Fano ee Amxaarada.

Magaalada Koormash ee mandiqadda Minjar ayay labada dhinac dagaallo culus ku dhexmareen maalmihii JImcaha iyo Sabtida ee aynu soo dhaafnay, waxaana jira khasaare xoogan oo labada dhinac kala gaaray.

Sarkaal u hadlay kooxda Fano wuxuu sheegay in ciidankooda ay dagaal culus la galeen kuwa Federaalka, laakiin ciidamada Itoobiya ay si indho la’aan ah u duqeeyeen magaalada oo ay dad badan oo shacab ah ku noolyihiin.

Masuuliyiinta taabacsan dowladda Itoobiya ee qaabilsan mandiqadda ayaa ka baxsaday goobta, kadib markii ay ka baqeen iney u gacan galaan kooxda Fano.

Sanad wax ku dhow ayaa xaalad deg-deg ah waxaa saaran gobolka Amxaarada, taasoo ay soo rogtay dowladda dhexe ee Itoobiya, laakiin weli kooxda Fano ayaa wada dagaallo adag oo labada dhinacba khasaare xoogani kasoo gaaray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular