Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay weeraro ay ku beegsadeen ciidamada Jabuuti ee Soomaalidu ugu yeerto hiil-gumeysi iyo askarta dowladda Kenya.
Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Jalalaqsi, ciidamo hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday xerada ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmada. Labada dhinac ayaa is dhaafsaday hubka culus, laman oga khasaaraha rasmiga ah.
Dhanka Mandera, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya kaga suganyihiin deegaanka Dhammase ee hoostaga degmada Lafey ee gobolka Mandera oo kamid ah dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Laga soo billaabo Laamu oo ah gobolka xeebta ee ay degaan muslimiinta Kenya illaa Golis ah wuqooyi bari Soomaaliya, waxaa ka howlgala ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo beegsada ciidamada Shisheeyaha, kuwa Dowladda Federaalka iyo askarta maamul goboleedyada.
Xarakada Al-Shabaab ayaa ah koox Jihaadi ah, oo u xusul duubeysa in Soomaaliya ay ka hirgeliso maamul islaami ah, waxaana ay maamushaa masaaxo ballaaran oo katirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay ka hirgelisay maamullo Islaami ah.