HomeAll newsDEG-DEG: Madaxweynaha Kenya Oo Kala Diray Golihii Wasiirada Xukuumadda.

DEG-DEG: Madaxweynaha Kenya Oo Kala Diray Golihii Wasiirada Xukuumadda.

William Ruto, madaxweynaha dalka Kenya oo waxyar kahor kalimad ka jeediyay telefeshinka rasmiga ah ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay inuu kala diray golihii wasiirada ee xukuumadda Nairoobi.

Ruto ayaa sheegay in isagoo dhageysanaya codsiyada shacabka, gudanayana waajibaadka saaran uu go’aan ku qaatay inuu kala diro golihiisa wasiirada, marka laga reebo ra’iisul wasaaraha dalka iyo ku xigeenka madaxweynaha.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya ayaa kamid ah xubnaha masuuliyiinta ah ee la kala diray, tallaabadan ayaana lagu micneyneynayaa mid uu Ruto ku doonayo inuu isaga yareeyo cadaadiska adag ee uga imaanaya shacabka Kenya.

Lama in go’aanka Ruto uu wax ka bedeli doono carada shacabka Kenya ee kasoo horjeeda canshuur kordhin dhawaan uu meel mariyay baarlamaanka dalka Kenya, walow madaxweyne Ruto uu markii dambe ka noqday inuu qalinka ku duugo go’aankaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular