Hub la sheegay in DF ay ka keensatay gudaha Itoobiya una badan boobayaasha fudfudud sida AK47 ayaa ciidamadii galbinayay looga furtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galaduud oo u dhow xuduud beenaadka.
Hubka oo lagu soo raray gaadiid waaweyn ayna galbinayeen ciidamada DF kuwooda loo yaqaano NISA ayaa waxaa wadada u galay malleyshiyaad hubeysan iyo dadka degaanka waxaana laga furtay dhammaan hubkii.
DF ayaa iska fogeysay iney lahayd hubkan oo ay ciidankeedu galbinayeen lagana keenay illaa gudaha Itoobiya, iyadoo tilmaantay iney xuduud beenaadka ciidankeedu kasoo qabteen.
DF ayaa iska fogeysay – sheegtayna in uu ahaa mid sharci darro ah oo ay soo qabatay balse ciidankeeda laga dhacay
Waxayna warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaraddeeda amniga ku tiri “Dawladda Federaalka, waxaa ka go’an in ay gacanteeda kusoo ceshato, hubka waxayna faraysaa Odayaasha iyo waxgaradka in ay kala shaqeeyaan soo celinta hubkaas, ayna DFS ogolaaneyn in hubkaas kujiro gacanta maleeshiyaadka boobay”!.
Siyaasiyiinta iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulgoboleedyadu waxay sheegayaan in hubkan ay keentay DF ujeedaduna ahayd in lagu sii huriyo colaadaha qabiilka ku saleysan ee ka holcaya gobolada dhexe.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka la baxay Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa xusay in cunaqabatayntii hubka ee laga qaaday DF ay ahayd mid khalad ah marba haddii ay sidan u dhaqmeyso.
Wuxuu intaa ku daray iney ayaan darro tahay in ciidamada DF ay galbiyaan hub noocan ah oo laga leeyahay dano gurracan.
Sidoo kale wasiirka cadaaladda ee maamulkaas ayaa shaaca ka qaaday in hubkan uu ahaa mid xasillooni darri gelinaya gobolada dhexe ee Soomaaliya, dowladduna ku hawlantahay khalalaase iyo iney isku hubeyso qabaa’ilka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhankiisa cambaareeyay hubkan wuxuuna si gaar ah ugu eedeeyay Xasan Sheekh inuu yahay nin laba bogleynaya oo marna Itoobiya hub kasoo qaadanaya marna colaad u muujinaya, isagoo ku sifeeyay nin dallaalnimo siyaasadeed ku jira.
Itoobiya ayaa dadaal badan ku bixineysay waayihii dambe iney isku hubeyso qabaa’ilka Soomaaliyeed si ay wadanka meelo hor leh ugu soo luga fidsato maadaama dadkii iska dhicin lahaa ay isku direyso, waxaana kala shaqeynaya qorshahan sida siyaasiyiinta dowladda ka tirsan ay sheegayaan madaxda Villa Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Xasan Sheekh.