Dadka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maalinba maalinta ka dambeysa wajahaya, culeysyo dhaqaale oo ay kala kulmayaan dowladda fedaraalka.
Maamulka gobalka Banaadir ayaa markale waxa uu bulshada ku dhaqan Muqdisho kusoo rogay, in lasoo diiwaan galiyo caruurta ku dhalata caasimadda, guurka, iyo geerida intaba.
C/rashiid oo ah Agaasimaha Waaxda Dad dhigista ee Gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyay arrintaas, isagoona sheegay in haddii lasoo diiwaan galin waayo ubadkii dhasha la isku ganaaxi doono.
Balse dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si adag kaga soo horjeestay, mashruucaan cusub ee ay dowladda fedaraalka dhaqaalaha ku raadineyso.