HomeAll newsDibadbax Lagu Taageerayo Muslimiinta Qazza oo ka Dhacay Dalka Tuunis

Dibadbax Lagu Taageerayo Muslimiinta Qazza oo ka Dhacay Dalka Tuunis

Tobanaan qof oo reer Tuunis ah ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee safaaradda Maraykanka ee wadankaas, iyagoo muujinaya sida ay u garab istaaganyihiin muslimiinta Qazza, ugana soo horjeedaan kaalinta Maraykanku ka qaadanayo dagaalka Qazza.

Dadkan banaabaxa dhigaya ayaa ku hooyday afaafka hore ee safaaradda Maraykanka Tuunis, waxaana banaanbaxa soo abaabulay koox dhalinyaro ah oo ku mideysan u hiilinta qadiyadda Filastiin, gaar ahaan muslimiinta Qazza.

Waxay ku dhawaaqayeen halkudhigyo ka dhan ah dowladaha caalamka Islaamka iyo tan Marayknaka, iyagoo dhinac kale bogaadinayay muslimiinta Qazza iyo Muqaawamadooda.

“ Waa waajib in dalka laga eryo safiirka Maraykanka, Maraykanku waa Sahyuuniyad, Muqaawamada iyo wax iska dhicinta ayaa ah xalka madaxdii dullinimada iyo ceebta” ayaa kamid ahaa halkudhigyada ay ku dhawaaqayeen dadka banaanbaxa isugu yimid.

Waxay sheegeen iney sii wadi doonaan banaabanxyada, inta laga joojinayo gumaadka wuxuushnimada ah ee lagu hayo muslimiinta Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular