HomeAll newsDiyaarad Milliteri oo Ku Burburtay Dalka Ruushka.

Diyaarad Milliteri oo Ku Burburtay Dalka Ruushka.

Wakaaladda wararka ee Interfax, ayaa war qoraal ah oo kooban oo ay baahisay waxay ku sheegtay in diyaarad milliteri oo taabacsan wasaaradda dagaalka ee Ruushak ay ku burburtay dalkaas.

Diyaaradda burburtay ayaa nooceedu ahaa MII-28, waxaana ay ku burburtay mandiqad lagu magacaabo Kaalooga oo dhacda koonfur galbeed magaalada Moskow ee caasimadda dalka Ruushka.

Dhamaan xubnihii saarnaa diyaaradda burburtay ayaa geeriyooday, wasaaradda dagaalka ee Ruushka ayaana ka gaabstay iney cadeyso tiradooda rasmiga ah.

Cillado farsamo oo soo wajahay diyaaradda ayay wasaaraddu sheegtay inuu keeney burburka, marar badan ayaana wadanka Ruushka waxaa ka dhacay kiisas noocaan ah, oo keenay dhimashada ciidamo iyo saraakiil katirsan dowladda Ruushka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular