Shacabka ku nool degmada Cabdil-Caziiz ee magaalada Muqdisho ayaa dhigay banaanbax ka dhan ah Dowladda Federaalka, oo ay ku eedeeyeen iney boobeyso dhulka uu ku yaalo kawaanka Mallayga.
Dadkan ayaa sheegay in la boobayo dhulka, tallaabadaasna ay ka dambeeyaan saraakiil katirsan Dowladda Federaalka.
Muqdisho, waxaa joogto ka ah cabshada dadweynaha ee la xiriirta dhul boobka, Dowladda Federaalka oo adeegsanaya awood ciidan ayaana la wareegtay dhul badan oo dadkii lahaa ay cabanayaan.
Halkan ka dhagayso banaanbax ay dhigeen ganacsatada kawaanka Mallayga.