Dowladda Federaalka ayaa dhul boob horleh ka billowday deegaanno dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaas oo ay deganyihiin dad shacab ah.
Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka ayaa howlgallo burburin ah ka sameeyay xaafadda Jabad-geelle ee Ceelasha-biyaha, halkaas oo ay degnaayeen sanadihii ugu dambeeyay dad shacab ah.
Muuqaallo lagu baahiyay Internetka, ayaa muujinaya ciidamada Dowladda Federaalka oo guryaha ku dul dumiyay wixii hanti iyo agab ahaa ee yaalay.
Dhul-boob xoog leh ayaa ka socda Muqdisho iyo deegaannada hoosyimaada, taasoo ay wado Dowladda Federaalka, masuuliyiinteeda ayaana u kala tartamaya in qof weliba uu xoog ku qaato dhulka uu u awood sheegan karo dadka degan.
Halkan ka dhagayso Dhulboobka ka socda Ceelasha biyaha.