HomeAll newsDowladda Federaalka Oo Burburin Kawada Xaafadda Dabdamiska ee Muqdisho.

Dowladda Federaalka Oo Burburin Kawada Xaafadda Dabdamiska ee Muqdisho.

Ciidamo katirsan booliiska Dowladda federaalka ayaa howlgallo burburin ah ka billaabay xaafadda Dabdamiska ee Seybiyaano, halkaas oo hooy u ahayd kumanaan qoys oo sanadihii lasoo dhaafay deganaa.

Muuqaallo baraha Internetka lasoo dhigay ayaa muujinaya ciidamada Booliiska Dowladda federaalka oo burburinaya dhismayaashii halkaasi ka dhisnaa ee ay dadku degnaayeen, dadka ayaana ka barakacay xaafadda.

Afhayeenka Booliiska Dowladda federaalka ayaa warbaahinta isagoo la hadlaya wuxuu sheegay in ciidankooda oo fulinaya awaamiirta Dowladda federaalka ay billaabeen in dadka ay ka raraan xaafadda, maantana ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay.

Dadka ku nool xaafadda Dabdamiska ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay dooneyso in dhulka ay degnaayeen ka iibsato hay’ado iyo dhinacyo ka macaasha dhulka, xukuumadda Xasan Sheekh Maxmuud ayaana horey dad badan oo shacab ah uga barakicisay goobihii ay degnaayeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular