Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday iney qaadeyso tallaabo horleh oo ay lacago canshuuro ah uga qaadeyso shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala adeegyada lacagta ee casriga ah.
Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday iney canshuureyso lacagaha la isku dhaafsado teleefannada gacanta, bankiyada iyo wixii lamid ah, taasoo dhan 5%.
Hadalkan kasoo yeeray Dowladda Federaalka ayaa waxaa si caro leh uga horyimid shacabka, iyagoona sheegay in canshuuraha laga qaado ay yihiin kuwa baad ah, maadaama aaney jirin wax badiil ah oo ay ka helaan hay’adaha Dowladda Federaalka.
Dhagayso Canshuur cusub oo ay qaadeyso Dowladda Federaalka iyo dareenka Shacabka