Waxaa si xowli ah ku socda boobka lagu hayo kheyraadka badda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Federaalka oo fushaneysa dahaneeda gaarka ah ay Shisheey weliba u gacan gelineyso wixii ay ka rabaan kheyraadka ka dhexeeya umadda Soomaaliyeed.
Shirka todobaadlaha oo ay maalintii shalay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada ee xukuumadda uu hogaamiyo Xamze Cabdi Barre, ayaa waxaa lagu meel mariyay heshiis horleh oo lagu boobayo kheyraadka badda Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa horey waxaa u kala saxiixday wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Federaalka, iyo shirkadda dekadaha Abuu Dubai ee ay leedahay dowladda Imaaraatka Carabta.
Horay waxay Dowladda Federaalka dowladda Turkiga ugu gacan gelisay badda Soomaaliya, iyadoo dhawaan la filayo in xeebaha Soomaaliya soo gaaraan ciidamo ka socda dowladda Turkiga iyo maraakiib lagu baarayo shidaalka kujira badda Soomaaliya.