HomeAll newsDowladda Shiicada ah ee Iiraan oo Safiir Cusub Usoo Magacwday Wadanka Suudaan.

Dowladda Shiicada ah ee Iiraan oo Safiir Cusub Usoo Magacwday Wadanka Suudaan.

Hogaamiyaha milliteriga Suudaan Cabdil Fataax Al-Burhaan, ayaa waraaqaha aqoonsiga safiirnimo kala wareegay safiir cusub oo ay dowladda shiicada ah ee Iiraan usoo magacwaday dalka Suudaan.

Safiirka cusub ee Iiraan ayaa lagu magacaabaa Xasan Shaah, waxaana uu noqonaysaa safiirkii ugu horeeyay ee Iiraani ah oo soo gaara dalka Suudaan 8 sano kadib.

Wasaaradda arimaha dibadda ee milliteriga Suudana ayaa dhankeeda waxay shaaca ka qaaday, in safiirka cusub ee Iiraan usoo dirtay Suudaan, uu ka tarjumayo billowga xiriir wanaagsan oo labada dhinac ah.

Dowladda shiicada ah ee Iiraan, ayaa ihtimaam gaar ah siineysa qaaradda Afrika, waayadii u dambeysay waxaa soo baxayay warbixinno sheegaya in Iiraan ay maadada Yuraaniyamka ka iibsato qeybo kamid ah wadamada Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular