HomeAll newsDowladda Uganda oo Qiratay in Sarkaal Sare Looga Dilay Soomaaliya.

Dowladda Uganda oo Qiratay in Sarkaal Sare Looga Dilay Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa qiratay in sarkaal kamid ah ciidankeeda jooga Soomaaliya lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeen u hadlay ciidamada dalka Uganda oo lagu magacaabo brahim Kasule Sekitto ayaa sheegay in sarkaal darajadiisu tahay gaashaanle oo lagu magacaabo Patrick Opio Awany lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Ceel-wareegow.

Waxaa sidoo kale ciidamada Uganda qirteen in qaraxa ay ku dhaawacmeen 6 askari oo kale oo kamid ahaa kolonayda la kulantay weerarka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay in qarax ka dhacay deegaanka Ceel-wareegow ay ku dishey 3 askari oo uu ku jiro taliyihii hogaaminayay ciidamada Uganda, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular