War rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda duulista hawada ee dalka Ereteria ayaa waxaa dalkaas looga mamnuucay wixii ka dambeeya duulimaadyada ay ku imaan jirtay shirkadda Ethiopian Airline.
Hay’adda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeya 30-ka September aaney jiri doonin wax duulimaadyo ah oo ay diyaaradda Ethiopian Airline ku imaan doonto magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteria.
Go’aankan ayay hay’addu sheegtay in la qaatay, kadib markii ay soo bateen mudooyinkii u dambeeyay cabashada muwaadiniinta Ereteriyaanka ay ka muujinayaan adeegyada shirkadda, oo ay sheegeen iney ula dhaqmeyso ” si fool xun”.
Waxyaabaha ay dadka Ereteriyaanka kaga cabteen shirkadda duulimaadyada Itoobiya waxaa kamid ah, lacagaheeda oo qaali ah, alaabaha loo dhiibto oo luma, waqtiyada duulimaadyada oo ay kasoo dib dhacdo iyo arimo kale.
Dhanka shirkadda Ethiopian Airline waxay war ay soo saartay ku xaqiijisay arintan, iyadoo tilmaamtay iney soo gaarto warqad katimid hay’adda duulista hawada ee dalka Ereteria, oo loogu sheegayo in looga mamnuucay Ereteria.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah xurgufta sii xoogeysaneysa ee soo kala dhexgashey dalalka Itoobiya iyo Ereteria, xuduuda labada dal ayaana laga soo warinayaa xiisado colaadeed, iyadoo suuragal tahay iney qarxaan dagaalladii horey u dhex mari jiray labada dhinac.