Faahfaah dheeraad ah ayaa laga helaaya dagaallo culus oo habeenkii xalay lagu qaaday, saldhigyo dhawar oo ay askarta DF ku leeyihiin, magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh.hoose.
Ciidamo katirsan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa xalay weeraro saf-mareen ah ku qaaday, xerooyinka Buundo Bilan iyo Buulo Bacaad ee magaalada Marka.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya iney maqlayeen rasaasta iyo hubka culus ee la is dhaafsanayay, waxaana dagalladaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 1askari oo katirsan DF ayaa la sheegay in lagu dilay, weeraradii xalay ka dhacay Marka, waxaana sido kale dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen tiro askar ah oo gaaraya, illaa 4 askari.
Ma ahan markii ugu horreysay, oo ay weeraro noocaan ah askarta kamid ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyaan magaalda marka, hase ahaatee waxaa jira weeraro ka culus kuwan oo ay horay ula kulmeen, ciidamada DF ee ku sugan magaalada iyo duleedyadeeda.