Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa laba gaari oo ay saarnaayeen dad Soomaali ah oo ka baxay dalka Kenya kuna sii jeediyay Uganda oo midkood la ka lumay wadadii uu hayay.
Gaarga wadada ka lumay ayaa waxaa saarnaa ugu yaraan 9 ruux, Ismaamul magaciisa lagu sheegay Kakameega gaar ahaan xaafad ku taallo degaanka Bureera ayuu gaarigii mar qura dhaxistaagay.
Dadkii tuulada oo cawaan ahaa ayaa lasoo kala orday bangado iyo budad halkaasne waxaa Soomaalidii loogu gestay xasuuq daran.
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay halka 7 kalene isbitaala loola cararay, sawirro laga keeney ayaa muujinaya dadka Soomaali ah oo daadsan dhisme sar ah, kadib markii laga soo qaaday tuuladii lagu laayay.
Dadkaan Soomaalida ah ayaa la sheegay iney ahaayeen kuwa tahriibayaal ah, illaa iyo haddana ma jiro war kasoo baxay dowladaha Kenya iyo Uganda oo ku aaddan dhacdadaa.