Dagaallada culus ee udhaxeeya jabhadda Fano iyo ciidamada Xukuumadda Itoobiya ayaa sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo ay jabhadda Amxaaradu kusii siqeyso magaalada Adis Ababa ee caasimadda u ah dalkaasi.
Fano ayaa weeraro isdaba joog ah maalimihii lasoo dhaafay ku heysay ciidanka Itoobiya ee ay isku horfadhayaan gobolka Amxaarada.
Maleeshiyaadka Jabhaddan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay, iney dagaal kula wareegeen mandiqadda Chacha oo qiyaastii 109KM u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Warka kasoo baxay jabhadda ayaa lagu sheegay, iney gacanta ku dhigeen in ka badan 80 askari oo kamid ah ciidanka Itoobiya, waxayna intaasi ku dareen iney dagaalka ku qabsadeen hub iyo gaadiid.
Dowladda Itoobiya oo dhankeeda ka hadashay arrintan ayaaa waxay beenisay warka kasoo baxay jabhadda Faano ee ay ku sheegatay iney la wareegtay magaalada Chacha.
Dhinaca kale Kooxda Fano waxay dhawar qof oo shacab ah ku dishay gobolka Oromia iyadoo qaar kalena dhaawacday.
Illaa 3 ruux ayey wararku sheegayaan in maleeshiyaad katirsan jabhadda Fano ku dileen degmada Darra ee gobolka Oromia, halka ay dhaawaceen tiro kale.
Wadanka Itoobiya ayaa waxaa ku sii xoogeysanaya maalinba maalinta kadambeysa, falalka la xiriira amni darrada iyo weerarada ay qaadayaan kooxaha mucaaradka ku ah xukuumadda Abiy Axmad.