HomeAll newsFaransiiska iyo Jabuuti Oo Saxiixday Heshiis Horleh Oo La Xiriira Arimaha Difaaca.

Faransiiska iyo Jabuuti Oo Saxiixday Heshiis Horleh Oo La Xiriira Arimaha Difaaca.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa booqasho ku tagay dalka Faransiiska, halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa Faransiiska, Emmanual Macron oo horey u aflgaadeeyay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi Wasallam.

Shir ay albaabada u xiranyihiin ayaa labada dhinac waxay ku yeesheen qasriga Elezeh ee looga arimiyo dalka Faransiiska, waxaana ugu dambeyntii kulankooda uu kusoo dhamaaday cusbooneysiinta heshiis iskaashi xaga difaaca ah.

Xaflad lagu saxiixayay heshiiska oo ka dhacday madaxtooyada dalka Faransiiska, ayaa waxaa marka laga yimaado Macron iyo Geelle goobjoog ahaa, wasiirada arimaha dibadda iyo gaashandhiga ee labada dal.

Horey dalalka Jabuuti iyo Faransiiska, waxaa uga dhexeeyay heshiis xaga iskaashiga arimaha difaaca ah, waxaana dowladda Faransiiska Jabuuti ku leedahay saldhig milliteri oo ay ciidamo Faransiis ah ka howlgalaan.

Faransiiska ayaa horey gumeysi toos ah ugu heystay dalka Jabuuti, illaa iyo hadana kama marno gumeysigooda inkastoo uu yahay mid dadban, waxaana saxiixa heshiiskan cusub uu kusoo aadayaa iyadoo isbedello xowli ku socda ay ka jiraan mandiqadda Geeska Afrika.

Jabuuti ayaa dhaca goob istiraatiijig ah, waana mida keentay iney soo jiidato indhaha awoodaha ku loolamaya dunida ee bari iyo reer galbeedka, marka laga yimaado Faransiiska oo ay dalkan joogaan 1500 oo askari, waxaa wadanka saldhigyo ciidan ku leh Maraykanka iyo Shiinaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular