HomeAll newsFeejignaan La Geliyay Ciidamada Maraykanka ee Jooga Yurub. Waa Maxay Sababta?

Feejignaan La Geliyay Ciidamada Maraykanka ee Jooga Yurub. Waa Maxay Sababta?

Shabakadda wararka ee CNN oo soo xiganeysa masuuliyiin Ameerikaan ah ayaa baahisay in xaalad feejignaan ah la geliyay dhamaan saldhigyada Maraykanka iyo xarumaha diblumaasiyadeed ee ku yaala qaaradda Yurub.

Waxaa soo baxay xogo sheegaya in kooxo ay taageereyso dowladda Ruushka ay qorsheynayaan fulinta weeraro lagu beegsanayo danaha Maraykanka ee Yurub.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in dowladda Ruushka ay calaamadeysay saldhigiyo xarumo taabacsan dowladda Maraykanka, si loogu qaado weeraro ay fuliyaan kooxo iyada wakiil ka ah.

Bishii April ayay ahayd markii Yurub lagu qabtay muwaadiniin u dhashey dalalka Jarmalka iyo Ruushka, kuwaasoo lagu eedayay iney qorsheynayeen weeraro lagu qaado danaha Maraykanka.

Xaaladda feejignaanta ah ee la geliyay saldhigyada ciidanka Maraykanka ee Yurub ayaa lagu tilmaamay iney tahay tii ugu cusleyd muda toban sano ah, waxaana xogahan sirdoon ay Maraykanku geliyeen xaalad amni oo walaac ku dhisan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular