Baarlamaanka wadanka Finland ayaa ansixiyay xeer ciidamada dalkaas u oggolaanaya iney xuduudaha ka celiyaan dadka tahriibayaasha ah ee Soomaalida iyo Iiraaniyiinta oo sadaxdii sano ee ugu dambeysay kasoo gudbayay xadka Ruushka.
Xukuumadda dalkaas ayaa sheegtay in go’aankan uu muhiim u yahay joojinta tahriibayaasha sida sharci darrada ah uga soo gudba wadanka Ruushka.
Ra’iisulwasaaraha dalka Filand oo shir jaraa’id qabtay ayaa xusay in tallaabadan ay muhiim u tahay ammaankooda “Tani waxay calaamad xooggan u tahay Ruushka, waxay calaamad xooggan u tahay xulafadayada in Finland ay danaynayso ammaankeeda, waxaan danaynaynaa ammaanka xuduudaha Midowga Yurub,” sidaasi waxaa yiri ra’iisulwasaare Orpo.
Filand waxay sheegtay in go’aankan uu yahay mid kumeelgaar ah oo oconaya muddo sannad ah, waxaana uu kasoo horjeedaa waxa loogu yeero xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo qoraya inaan dadka qaxootiga ah dib loo celin.
Dowladda Filand ayaa xirtay gabi ahaanba xuduudaha dhuleed ee ay la wadaagto dalka Ruushka, waxaana xusid mudan in tan iyo bishii Maarso aysan wax soo galooti ah gaarin wadankaas.
Waxay Filand Ruushka ku eedeeneysaa in tahriibka ay ka dhigtay arrin ay ku dhibaateyo Yurub iyadoo dhiiragalisay in dad badan oo tahriibayaal ah ay ka yimaadaan Suuriya, Iiraan iyo Soomaaliya.
Filand waxay intaa ku dartay in Ruushka uu diiday inuu aqbalo eedeymaha loo jeediyay kana muuqato habka uu u dhaqmayo inuu sii wadi doono soo gudbinta tahriibayaasha.