Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay habeenkii xalay howlgallo isugu jira kamiin iyo qarax ka fuliyeen goballada Gedo iyo Sh hoose, kuwaas oo lagu dilay gaashaane iyo askar katirsan dowladda fedaraalka.
Dhanka gobalka Gedo, Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay weerar kamiin ah la beegsadeen askar katirsan dowladda fedaraalka si dhuumaalesi ah ugu safrayay qeybo kamid ah gobalkaas.
Askarta oo tirahoodu aheyd 3 askari ayaa waxa ay kasoo baxeen degmada Ceel-Waaq, iyagoona kusii jeeday Balad-xaawo, waxa uuna weerarku ku qabsaday degaan lagu magacaabo Yadow oo qiyaastii 28km ujira Ceelwaaq.
Weerarka ayaa lagu dilay dhammaan saddexda askari, waxaana lagu kala magaacaabaa:
1-Yuusufey 2-Bashaar 3-Xasan Cabdi Aadan
Sidoo kale gobalka Sh hoose waxaa ka dhacay weerar qarax ah oo ay ciidamada xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen gaashaanle katirsan dowladda fedaraalka.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay degmada Jannaale ee gobalka Sh hoose, waxaana lala beegsaday islamarkaana lagu dilay gaashaanle Ceydiid Maxamed Cabdi Guray oo ahaa Taliye ku xigeenkii ururka 83aad ee guutada 14-ka October.