Xilli uu Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha wadanka Jabuuti lagu eedeeyo in uu weli sii wado boobka uu ku hayo dhaqaalaha shacabka Jabuuti ayay xaalad adag oo dhanka nolosha ah wajahaan boqolaal kun qof oo reer Jabuuti ah.
Cabdiraxmaan Boore oo kamid ah ganacstada Jabuuti balse ku nool dalka dibaddiisa, ayaa sheegay, in iyadoo uu dalka qakhli badan soo galo haddana taa badalkeeda ay dadku ku nool yihiin dhibaato, koronto la’aan, biyo la’aan cadaalad darro iyo arrimo kale oo bulshada dhibaato ku ah.
Waxa uu tilmaamay in Jabuuti oo idil ay noqotay xabsi dusha sare ka feydan oo qofkii la raba lagu ridi karo, isagoona shacabka ugu baaqay iney iska diidaan dhibaatada ay kala kulmayaan dowladda Jabuuti.
Halkan ka dhaayso cabashada ganacsadan kasoo jeeda Jabuuti.