HomeAll newsHogaamiyaha Nidaamka Nuseyriyada Suuriya oo Booqasho ku Tagay Ruushka.

Hogaamiyaha Nidaamka Nuseyriyada Suuriya oo Booqasho ku Tagay Ruushka.

Bashaar Al-Asad oo ah hogaamiyaha Nuseyriyada dalka Suuriya, ahna dhiigyacab inkabadan 10 sano xasuuqaya muslimiinta Shaam, ayaa booqasho ku tagay wadanka Ruushka.

Al-Asad ayaa la kulmay madaxweynaha Ruushka Faladamir Butin, waxaana uu kusoo dhaweeyey madaxtooyada Moskow ee Karmalin. Telefeshinka rasmiga ah ee Ruushka ayaa baahiyay muuqaalka labada nin oo is garab fadhiya marna isa salaamaya.

Sida ay dowladda Ruushka warbaahinteedu sheegtay, waxay ka wada hadleen xaaladda ka taagan mandiqadda loogu yeero Bariga dhexe, gaar ahaan dagaalka Qazza, lamana oga waxa rasmiga ah ee ay iska yiraahdeen.

Falanqeeyayaasha qaar waxay tilmaamayaan suurtogalnimada in Butin uu Bashaar Al-Asad kala hadlayo sidii loola kulansiin lahaa madaxweynaha Turkiga Ordogan, oo dhawaan sheegay inuu diyaar u yahay heshiis buuxa oo uu la gaaro maamulka Nuseyriyada.

Dowladda Ruushka ayaa tan iyo sanadkii 2015-ka, waxay duullaan milliteri oo qaawan ku joogtaa qeybo kamid ah wadanka Suuriya, halkaas oo ay ku gumaadeyso muslimiinta, dowladan ayaana sabab u noqotay in Bashaar Al-Asad kusii fadhiyo kursiga Dimishiq, oo ay ku dhawaayeen muslimiinta Suuriya iyo Jamaacadka Jihaadiguba iney ka tuuraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular