Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay qafaasheen inkabadan 100 arday oo kuwa jaamacdaha wax ka dhigta ah, xilli ay socdaal safar ku jireen.
Safaaradda Maraykanka ee Adis Ababa ayaa xaqiijisay iney jiraan inkabadan 100 arday oo lagu afduubtay dalka Itoobiya, gaar ahana gobolka Oromada. War qoraal ah oo uu safiirka Maraykanka ee Itoobiya ku baahiyay barta X ayaana sidaasi lagu sheegay.
Ardeyda waxaa la qafaashey iyagoo kusii jeeda jaamacadda oo saaran gawaari bas ah oo saddex gaaraya, goobta uu afduubka ka dhacayna waa meel 120km u jirta magaalada Adis Ababa kana tirsan gobolka Oromada.
Koox hubeysan oo Oromada kasoo jeeda laguna magacaabo Tata ayaa lagu eedeyay afduubka.
Dalka Itoobiya ayaa isku bedeley dal colaad, qowmiyadaha ayaana dhexdooda is ugaarsanaya, awoodda dhexe ee dowladda Itoobiya ayaana meesha ka baxday.