Banaanbaxyo xoogan oo ay dhigayaan dadka ku nool wadanka Bangladesh ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa, iyadoo ciidamada ammaanka ay awood ku maquuninayaan dadka shacabka ah.
Banaanbaxyada oo ay dhigayaan ardey careysan ayaa dhaliyay dhimashada inkabadan 100 ruux sida ay tilmaamayaan wararkii ugu dambeeyay, ciidamada ammaanka ayaana rasaas u adeegsanaya dadka banaanbaxyada dhigaya ee shacabka ah.
Warbaahinta oo soo xiganaya xarumaha caafimaadka ayaa tilmaamay in tirada dhimashadu ay mareyso 105 ruux, areyda bananabaxyada dhigaya ayaana kasoo horjeeda isbedel lagu sameeyay nidaamka xiisadaha waxbarashada.
War kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Bangladesh haweeneyda lagu magacaabo Ash-Sheykha Xuseynah, ayaa lagu sheegay in go’aan lagu gaaray in Bandow lagu soo rogo dalka.