Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale ku celisay iney ka go’antahay dhaqangelinta heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay la gaartay maamulka la magacbaxay Soomaali-land, kaasoo lagu siiyay badda Soomaaliya.
Madaxa isgaarsiinta xafiiska Abiy Axmed ayaa usheegay wakaaladda Arab World Paress in Addis Ababa iyo Hargeysa ay ka shaqeynayaan sidii dhaqangal loogu bedeli lahaa MOU-gii ay Abiy Axmed iyo Muuse Biixi kala saxiixdeen horranatii sanadkan.
Safarkii dhawaan uu Abiy Axmed ku tagay dalka Suudaan, ayuu masuulkan Itoobiyaanka ah sheegay inuu qeyb ka ahaa dhaqangelinta heshiiska xaaraanta ee badda, Al-Burhaanna ku wargeliyeen iney xiri doonaan xuduudaha Itoobiya ee Suudaan iyo Soomaaliya.
Halkan ka dhagayso faafaahin ku aadna warkan.