Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa doon ay la socdeen dad Itoobiyaan ah oo ku degtay, wabi ku yaalla gobalka Amxaarada ee dhaca woqooyiga dalka Itoobiya.
Ugu yaraan 19 ruux oo kamid ahaa dadkii Itoobiyaanka ahaa ee saarnaa doonta ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen shilkaan, sida ay shaacisay warbaahinta rasmiga ah ee Xabashida.
“Waxaan soo badbaadinay 7 ruux oo uu ku jiray canug yar, kuwaas oo ku sugnaa xaalad aad u adag” ayuu yiri masuul katirsan dowladda Xabashida Itoobiya oo warbaahinta la hadlay.
Doonta ku qallibantay wabiga ku yaalla gobalka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa saarnaa 26 ruux, kuwaas oo 19 kamid ah ay dhinteen.
Dhawaan ayay aheyd markii dhul go’ ku ka dhacay dalka Itoobiya ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo ruux oo Itoobiyaan ah.