Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Alberta ee dalka Canada, kana soo jeeda magaalada Caabduwaaq ee gobolka Galgaduud, ayaa DF ku eedeeysay iney ayadu ka dambeysay dadkii dhimashada iyo dhaawaca ku noqday magaalada Caabud-Waaq.
Xubno u hadlay jaaliyadda ayaa tilmaamay, in hubkii lagu qabtay Caabud-Waaq ay lahayd Dowladda Federaalka, markii gacanta looga dhigayna ay isku dayday iney awood ku qabsato, sidaasina ay ku dishey dad kasoo jeeda Caabud-Waaq.
Waxay ka digeen jaaliyadda, weeraro ay sheegeen iney qorsheyneyso Dowladda Federaalka iney ku qaado Caabud-Waaq, waxayna ka dalbatay DF ka dalbatay iney bixiso magta dadkii ay leysay.
Halkan ka dhagayso eeda Jaaliyadda Soomaalida Canada ee Dowladda Federaalka.