War kasoo baxay Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka, waxaa lagu sheegay in madaxweyne Joe Biden uu soo ritay xanuunka Coronavirus, kadib baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyay.
Biden ayaa ka baaqday kalimad lagu waday inuu ka jeediyo kulan ka dhacaya magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka, xaaladiisa caaafimaad ayaana lagu sheegay inaney darneyn.
Joe Biden ayaa kujira xaalad karantiil ah, iyadoo laga cabsanayo in xanuunka ay qaadaan shaqaalaha xafiiskiisa. Hadal kooban oo uu jeediyay Biden wuxuu ku sheegay inuu xanuunsanyahay, laakiin aaney xaaladiisa caafimaad darneyn.