Magaala xeebeedka Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kalluumeysatada ku dhaqan, waxay cabasho ka yihiin maraakiibta Shisheeye ee xeebaha gobolka ka wada howlo burcadnimo ah oo ay ku boobayaan kheyraadka baddeena.
Ganacsatada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay iney heyso kalluun yari baahsan, maadaama maraakiibta Shisheeye oo jariifyo wata ay guranayaan kalluunka noocyadiisa kala duwan.
Arintan ayaa laga dareemay qaar kamid ah magaalooyinka uu ka arimiyo maamulka isku magacaabay Puntland, dadka ayaana aad uga cabanaya tacadiyadan indhaha laga daawanayo.
Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sida aadka ah ay Shisheeyuhu u boobaan kheyraadkeeda, waxaana badaha ka howlgala ciidamo shisheeye oo dhaca kheyraadka umadda, halka dhalinyarada Soomaaliyeed ee kalluumeysatada ahna ku sheegaan iney burcad badeed yihiin, ayna ka dhigeen waxay laayaan iyo waxay xabsiga dhigaan.
Maamullada kajira dalka, marka laga reebo Wilaayaadka Islaamiga, ayaana qandaraasyo iyo heshiisyo wax u dhibaya jiritaanka shacabka Soomaaliyeed kula jira dowladaha Shisheeye ee si dadban iyo si toos ahba duullaan ugu haya dalka, dadka iyo diinta.
Halkan ka dhagayso cabashada kalluumeysatada iyo dadka gobolka Bari.