HomeAll newsKeymaha Gobolka California ee Maraykanka Oo Dab Xoogan uu Ka Kacay.

Keymaha Gobolka California ee Maraykanka Oo Dab Xoogan uu Ka Kacay.

Muda saddex maalmood oo xiriir ah, waxaa dab uu ka holcayaa qeybo kamid ah gobolka Kalifornia, gaar ahaan dhanka wuqooyi, waxaana maamulka gobolka uu sheegay inuu dabkani yahay kii ugu ballaarnaa taariikhda gobolkan dhaca galbeedka dalka Maraykanka.

Wakaalad taabacsan maamulka gobolka ayaa baahisay in dabku baabi’iyay 142 kun oo hektar oo dhul keymo ah illaa maalinkii Sabtida, waxaana uu sidaasi ku noqonayaa dabkii todabaad ee ugu ballaarnaa ee ka kaca gobolka.

Ugu yaraan 4000 oo ruux oo Ameerikaan ah, ayaa ka barakacay guryahooda oo ku yaalay deegaannada baadiyaha ee gobolka Kalifornia, kuwaasoo xilligan la nool xaalad hooy la’aan ah.

Illaa hadda waxaaney shaqaalaha dab damiska ku guuelysanin iney bakhtiisiyaan dabka, inkabadan 2500 oo ruux oo shaqaale ah iyo tobanaan diyaarado ah ayaa ka qeybgalaya dadaallada dab-damiska.

Xowliga uu dabku ku socdo ayay ku qiyaasayaan kooxaha gurmadka degdega ah inuu jarayo masaafada uu qof lugeynaya kujari karo, wuxuuna hadda dabku marayaa meel 3 saacadood oo safar gaari ah ka fog magaalada San Faransisko oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka Maraykanka.

Gudoomiyaha gobolka Kalifornia oo warbaahinta la hadlay ayaa xaalad deg-deg ah kusoo rogay labo degmo oo katirsan gobolka, ujeedada ayaana ah in shaqaalaha dab-damiska ay si fudud ku gaaraan goobaha uu dabku ka socdo.

Mid kamid ah masaa’ibta Rabaaniga ah ee uu Allaah ku salladay Maraykanku ayuu dabku kamid yahay, gobolka Kalifornia oo ay ku yaalaan saldhigyo ciidan oo muhiim ah, iyo xarumaha shirkado Ameerikaan ah oo hubka farsameeya, ayaana kamid ah meelaha ugu badan ee sida joogtada ah uu dabku uga kaco.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular