Wararka ka imaanaya gobalka Bari ayaa ku waramaya in shil gaari oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay qeybo kamid ah gobalkaas.
Shilka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay inta udhexeysa magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari iyo degaanka Kalabeyr ee ku yaalla isla gobalka.
Ugu yaraan 2 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen shilka, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray C/rasaaq Maxamed iyo Cali Bashiir, waxaana uu burbur soo gaaray gaarigii ay wateen ee shilka galay.
Dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ayaa waxaa joogta ka ah shilalka gaari, waxaana ay dadku usabaneynayaan wadooyinka oo burbursan, iyo darawaladda qaarkood oo si xawaare sare leh ukaxeeya gaadiidka.
Geesta kale dalka dalka Koonfur Africa oo ay Soomaali badan ku noolyihiin ayaa lasoo warinayaa inuu isana shil gaari ka dhacay dalkaas, kaas oo geystay khasaare nafeed.
Ugu yaraan hal ruux oo Soomaali ah oo kamid ahaa Soomaalilada ku nool Koonfur Africa ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay shilkaan ka gudaha dalkaas.
Maalmo kahor ayay aheyd markii shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera ay ku dhinteen 12 ruux oo Soomaali u badnaa, sida ay soo tabisay warbaahinta gudaha ee dalka Kenya.
Halkan ka dhagayso faafaahin la xiriirat shillaka gaari ee khasaaraha dhaliyay