HomeUncategorizedKooxda RSF oo Guulo ka Sheegatay Dagaallo ka Dhacay Dalka Suudaan.

Kooxda RSF oo Guulo ka Sheegatay Dagaallo ka Dhacay Dalka Suudaan.

War kasoo baxay kooxda Ad-Dacmu Sariic ee uu hogaamiyo Doqlo, dagaalkana ka wada dalka Suudaan, ayaa lagu sheegay in kooxdu la wareegtay magaalo muhiim ah oo ku taalla koonfur bari gobolka Sanaar.

RSF ayaa tilmaamtay iney isku fidisay magaalada istiraatiijiga ah ee As-Suuki, kadib dagaallo qaraar oo ay la gashey ciidamada milliteriga Suudaan ee uu hogaamiyo Jeneraal Cabdil Fataax Al-Burhaan.

Magaalada As-Suuki ee ay malleeshiyaadka RSF sheegteen iney la wareegeen ayaa dacalka ku heysa webiga An-niil, waxaana ay kamid tahay magaalooyinka ugu muhiimsan ee gobolka Sanaar, iyadoo magaala madaxda gobolkaas ka fog 40km, halka caasimadda Al-Khardhuum ay u jirto masaafo dhan 300 Km.

Marka laga yimaado qabsashada magaalada, waxay kooxda RSF sheegatay iney dishey inkabadan 100 askari oo katirsan milliteriga Suudaan, halka ay qafaasheen tobanaan kale, gawaari dagaalna ay gacanta ku dhigeen, sida ay hadalka u dhigeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular